Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaya in Labada masuul ee ugu sareysa dowlada dhexe iyo ku simaha taliyaha NIsa ay ka sheegayaan sidii ay Mukhtaar Roobow uga reebi lahaayeen doorasha madaxwene ee maamulka koonfur galbeed ee dhawaanla filaayo iney ka dhacdo magalada baydhaba.
Wararkaas ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in madaxdaas ay wada hadalo la yeesheen gudoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed isla markaana ah ku simaha madaxweynaha maamulkaasi wexey ka wada hadleen sidii loo buruburin laa dhamaan gudigii doorashooyinka isla markaana loo sameyn lahaa gudi cusub taasoo uu ka aqbaley.
Gudigaasi ayaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo kuwaasoo la iman doona sharuudo lagu diyaariyey villa somaliya ayna soo diyaariyeen 3daas masuul, Sharuuda koowaad oo ah in dhamaan musharixintii lagacta ay ka qaadeen gudigii hore dib loogu celiyo musharixiinta, Waxaa kaloo sharudahaas ka mid noqonaya in Mukhtaar Roobow uusan u tartami karin xilkaas isla markaana aan laga qaban arjiga musharaxnimo.
Waxaa kaloo ay xukuumada magalada baydhabo kusoo daad gureysey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka kuwaasoo u badan kooxdii burburisay maamulkii 6da gobol,Sababta ugu weyn ee kooxdan loo keeney magalada baydhabo ayaa waxaa la sheegayaa inay tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in ay meel mariyaan damaca xukuumada isla markaana is hortaag ay ku sameeyaan rabitaanka shacabka koonfur galbeed.
Si kastaba arintu ha ahaatee talaabadan ay damacsan tahay xukuumada iney qaado ayaa ah mid aad u qaldan wexeyna keeni kartaa in deegaanka uu ka dhoco qalalaase hor leh iyo degenaansho la,aan tasoo aan wax faaiido ah ugu jirin shacabka koonfur galbeed iyo weliba beesha caalamka oo lacago iyo waqti badan ku bixiyey sidii dalka somaliya loogu soo dabaali lahaa nabad gelyo waarta.