Wafdi uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kol dhaweyd gaaray magalada kismaanyo waxaana arporka magalada kismaanyo si diiran ugu soo dhaweeyey madaxda maamulka Jubaland.
Soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud Waxa ka qeyb galay madaxweynaha Jubaland, Madaxweyne ku xigeenka, hey’adaha kala duwan maamulka Jubbaland iyo dadweyne fara badan.
Xassan Sheekh Maxamuud hadda ah Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn ee mucaaradka, kaas oo dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, ayna ku midoobeen dhowr xisbi oo mucaarad ah.
Ilaa iyo hada waxaan si rasmi ah loo ogeyn ujeedada saxa ah ee ka dambeysa safarka uu Xasan Sheekh ku tegey magalada kismaanyo ayadoo la sheegayo in safaro noocan oo kala ah in uu kuu tegi doono dhamaan casimadaha maamul goboleedyada.