Reysulwasaaraha Dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Ka Wada Hadley Xaalada Gobolka

0
50

Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo is dhex galka Geeska Afrika.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalintii shaley kulan la yeeshay madaxweynaha dalka jabuuti kulankaasi oo looga hadley arimo dhowr ah oo ku saabsan xaalada isbedel iyo guud ahaan mida gobolka.

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa isna sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.