
Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowlada ayaa kol dhaweyd qarax lagula beegsaday deleedka magalada muqdisho.
Goobjoogayaan ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo lala beegsaday gaari ay wateyn qaar ka mid ah ciidamada dowladda, wexey kaoo intaasi ku dareen in qaraxaasi ay ku ilaa saddex askari oo saarnaa gaarigaasi halka labo ruux kale oo goobta ka agdhawaanna ku dhaawacmeen.
Meydadka askarta ayaa la sheegay in ay goobta ka qaadeen isla ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaa ka bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.
Qaraxyadan lala beegsanayo ciidamada dowlada ayaa maalmahan dambe si aad ah ugu soo badanaya magalada muqdisho iyo weliba nawaaxigeeda taasoo ay geystaan ciidamada alshabab.