
Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa dalbaday in si deg deg ah loosii daayo Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo maalintii shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo qafaasheen Magaalada Baydhabo.
Odayaasha ayaa sheegay in banaanbaxyadda ka socda Magaalada Baydhabo ay sii socon doonaan tan iyo inta lasoo deynaayo Mukhtaar Roobow Cali.
Waxa ay sidoo kale tilmaameen in doorasho aysan ka dhicin karin 19 Bishaan Magaalada Baydhabo, hadii ay ka dhacdana wixii dhibaato ah oo ka dhasha Mas’uuliyideeda in ay qaadeyso dowladda Soomaaliya.
Digniintan odayasha ay u dirayaan kuwa damacsan in xoog iyo qori ay ku caburiyaan shacabka koonfur galbeed ayaa kusoo beegmeysa kadib kolkii ciidamada dowlada ay ka qafaasheenmagalada baydhaba Musharax Mukhtaar Roobow.