
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku ceebowday xarigga ay Khamiistii ugu geysatay magaalada Baydhabo musharrax Mukhtaar Roobow, xilli loogu yeeray shir isaga iyo musharrixiinta kale oo u tartamaya madaxtinnimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidammo ka socday dowladda federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa xiray Mukhtaar Roobow, kuwaasoo ka dajiyay magaalada Muqdisho.
Laakiin xarigga Mukhtaar Roobow ayay dowladda federaalka kala kulantay wajigabax kadib markii ay caddaaday in ciidanka Itoobiyaanka ah ee ay u adeegsatay xarigga Mukhtaar Roobow ay ahaayeen kuwa calashood u shaqeystayaal ah oo aanan ka tirsaneyn AMISOM.
Madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray jimcihii ku sheegay in AMISOM aysan wax lug ah ku laheyn xarigga Mukhtaar Roobow iyo u wareejintiisa Muqdisho.
Arrintan soo ifbaxday ayaa kashifeysa in dowladda federaalka ay heshiis hoose kula jirto ciidan ka socda Itoobiya oo aanan ka tirsaneyn AMISOM oo u jooga magaalada Baydhabo, kuwaasoo u fulinaya carqaladeynta geeddi-socodka doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo dhibaateynta dadka ay u aragto inay fikir ahaan kasoo horjeedaan.
Haddii dowladda federaalka ay ku adkeysato in ciidanka Itoobiyaanka ee xiray Mukhtaar Roobow ay ka tirsan yihiin AMISOM taas macneheedu waxey tahay in AMISOM ay baalmartay qaraarka nambarkiisu yahay 2372(2017) ee Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ee ka reebaya fara galinta arrimaha siyaasadda.
Dad gaaraya toban qof ayaa ku dhintay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii dad kasoo horjeedo xarigga Mukhtaar Roobow ay dibad bax ka sameeyeen magaalada Baydhabo.
Wsrsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen beesha caalamka ayay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladda Koonfur Galbeed, iyagoo u tacsiyeeyay dadka ay dhibaatada kasoo gaartay rabashadaha.
Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in xarigga Mukhtaar Roobow uu yahay mid laga leeyahay dano siyaadadeed oo gaar ah maadaama ay ka warheysay musharraxnimadiisa islamarkaana uu la joogay ku dhawaad sanad kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab.
Sidoo kale dadka qaar ayaa aaminsan in dowladda federaalka ay dooneyso in Mukhtaar Roobow ay ka dhigato gaashaan ay isaga dhigto mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo, iyadoo kula gor-gortameysa guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal inuu baabi’iyo mooshinka ka dhanka ah Farmaajo si markaas loo sii daayo Mukhtaar Roobow islamarkaana loo siiyo magangelyo siyaasadeed oo dibadda ah sida inuu ku noolaado dalka Qadar.
Sc.war aqyaarta hal SO’AAL Ayaan qabaa GOORMEE ISHABAYDHABO.COM ISU BEDESHEY AF MAREEXAAN.??????????????????????????????????
Comments are closed.