Wakiilka Igad u Qaabilsan Somaliya oo u Hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland

0
71

Wakiilka gaarka ah Urur Goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garoowe.

Ergeyga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo si gaar ah u ammaanay aqbalaaddii iyo sidii uu xilka ku wareejiyay, C/wali Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

Doorashada Puntland oo aheyd mid si weyn isha loogu wada hayay ayaa waxaa ku guuleystay Saciid Cabdullaahi Deni oo horey xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray.