Alshabab oo Xalay Dhowr Jiho Kasoo Weerarey Dagmada Marka

0
64

Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab dhowr jiho ka soo weerarreen fariismo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada, halkaa oo leysku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ku sugan Marka ayaa warbaahinta u sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhawacba leh oo uu sababay dagaalka oo wax ka badan hal saac ka socda daafaha qeybaha ka mid ah xaafaddaha degmada.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saakay magaalada Marka ayaa sheegayaa in ciidamada dowladda howlgal ka wadaan xaafadaha Magaalada Marka gaar ahaana xaafadda uu weerarka ka dhacay.