Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa oo Ka Hadley Duqeymo ay Ka Fuliyeen Deegaano Hoostaga Gobolka Baay

0
77

Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa weerar ay diyaaradaha droneska mareykanka ay ka geysteen deegaano hoos taga gobolka baay kaasoo ay la beegsanayeen qaar ka tirsan dagaalyahanada alshabab oo halkaasi ku sugnaa

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in 08 bishan ciidamada Mareykanku duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ka tirsan gobolka Baay.

Duqeyntaas ayaa la sheegay in halkaasi lagu dilay Lix ka tirsan xoogagga Al-shabaab, waxaana goobta la weeraray lagu sheegay fariisin ay iska soo abaabuli jireen dagaalyahannada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkan 2019ka oo kaliya ku dhawaad ilaa shan weerar oo cirka ka geystay gudaha dalka Soomaaliya kuwaa oo lagu bartilmaameedsanayay fariisimaha Ururka Al-shabaab.