Xoghayaha Guud ee QM oo ugu Baaqey Iney Ilaaliyaan Nabada Dhinacyada Isku Heysta Doorashada Congo.

0
64

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ka codsaday dhinacyada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo inay ku dadaalaan nabadda iyo xasiloonida dalkaasi kaddib markii lagu murmay natiijada kasoo baxday guddiga doorashooyinka.

Xoghayaha guud ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab waafaqasan sharciga iyo dastuurka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa soo saaray bayaanka kasoo baxay Antonio Guterres.

Natiijada horudhac ah ay shaaciyeen guddiga doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa waxaa ku horreyaa Felix Tshisekedi oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka.