
Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM aya gebi ahaanba saakay waxa ay isaga guureen Xarunta Kuliyaddii hore ee jaalle Siyaad halkaas oo Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ay mudo tobanaan sano ah fariisin u aheyd.
Munaasabad lagu qabtay Dhismaha Kuliyadda ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow, Taliyaha Ciidanka Xooga Indha-qarshe,waxaana munaasabadaas dowladda Soomaaliya lagula wareejiyey Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in kuliyadan sideedii hore lagu soo celin doono laguna tababari doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kuuliyadda Jaale Siyaad oo lagu tababari jiray saraakiisha ciidamada kala duwan ee Soomaaliya marka laga reebo kuwa Cirka iyo Kuwa Badda, waxaana ka bixitaanka AMISOM kadib lagu wareejiyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.