
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in lacag dhan 73 Milyan oo riyaalka lacagta Qadar ah una oo u dhiganta $20 Milyan oo dollar ku kabeysa miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019ka.
Arrinta ayaa imneysa kaddib markii magaalada Doxa ee dalka Qatar kulan ku yeesheen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamiim bin Xamaad Al-thaani.
Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale la iskula gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qadar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Dowlada Qadar ayaa hada ka wada dalka somaliya mashaariicyo horumareed oo ay uu horeyso dhisida jidadka isku xira xamar iyo afgooye iyo weliba jidka isku xira xamar iyo jowhar.