Mansabka iyo Siyaasada Koonfur Galbeed oo Noqotey Mid Ku Kooban Reer Baay Iyo Bakool

1
87

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo Ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya Qado Sharaf ugu Sameeyey madaxweynaha loo magacaabay koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo maalin dhaweyd looga yeeray magalada muqdisho.

Cabdicasiis ayaa qadadan waxaa ku wehliyey siyaasiyiin dhamaantood kasoo jeeda gobolada baay iyo bakool oo intooda badan dalaal ka ahaa magacaabida Cabdcasiis Lafta gareen loosoo magacaabay maamulka koonfur galbeed.

Tan iyo intii losoo magacaabay Cabdicasiis lafta gareen ayaad waxaa moodaa in maamulka uu isku bedelay mid ku kooban oo keliya dadka dega Gobolada Baay iyo Bakool sida sawirka hoose kaga muuqta, Taasoo cadey u ah u wax walba oo maamulka uu ku dhaqaadhaaqo ama uu sameynaayo aan lagala tashan walaalaha degan gobolka shabelaha hoose.

Laftagareen ayaa u muuqda mid baal-maray rabitaankii reer Koonfur Galbeed ee ahaa isku heynta iyo mideynta dhammaam dadka reer Koonfur Galbeed, balse hadda wuxuu u muuqdaa inuu shacabka kala dilayo isagoo isku koobay dhowr qof oo kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakalo.

Dhawaan ayey eheyd kolkuu Lafta gareen magacaabay koox afar ah oo uu ku sheegay iney yihiin abaan duulayal oo dhamaantoodba kasoo wada jeeda gobolada Baay iyo bakool, Falkan ayaan eheyn mid ku cusub indhaha shacabka kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose taasoo beryahan dambaba socotey balse ay hada soo xoogeysatay.

Odayaasha Iyo aqoonyahannada Koonfur Galbeed ayaa mar walba soo jeediyay mideynta iyo horumarka Koonfur Galbeed balse Laftagareen wuxuu u muuqdaa mid aanan usoo jeedin middaas. Haddaba su’aashu waxey tahay Laftagareen yuu isku halleynayaa haddii uu iska indha-tiriyo wanaagga iyo wax wada qabsiga ay wadaan waxgaradka iyo aqoonyahannada Koonfur Galbeed.

1 COMMENT

  1. reer digilo waagi idin baryay mirifle hads lee sirtooda ka fahamteen weli hoos u gelaa micnaha 8 iyo 9 ka sirta salka ku hayso, digilo deegaan lama degaan isku arki doontaan haddii aad ku midowi doonin in aad meel iska reer 8 iyo 9

Comments are closed.