
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Sonkor Jaamac Geyre isagpp so kumeel gaar ah ugu magacaabay Warsame Maxamuud Xasan (Kaytoon).
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in shaqo ka joojintan ay qeyb ka tahay isbedelka ku socda hey’adaha amniga dowladda, laguna qiimeeyay howlaha horyaala Wasaaradda ee u baahan la jaanqaadida habraacyada cusub ee Maamulka Wasaaradda ee lagu meel mariyay Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

