
Madaxa Gaadiidka Gurmadka degdega ee Aamin Ambulance Dr. Cabduqaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa sheegay in Amar kasoo baxay booliska Soomaaliya looga joojiyey Shaqada gurmadka aheyd oo ay u hayeen Shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in gebi ahaanba aysan tegi karin goobaha ay waxka dhacaan, hayeeshee ay booliska weeydiiyeen inay u gurman karaan Hooyada Uurka leh ee foolaneysa iyo qofka xanuunsan, balse booliska Go’aan rasai ah aysan siin taasina ay tahay dhibaato cusub.