
Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir uu is-casilay kadib kolkii banaanbaxyo qaatey dhowr bilood ey gilgileen dalka Suudaan.
Warbaahinada AP iyo Reuters ayaa labaduba qoray inay ilo-ku dhow dhow Cumar Albashiir in ay ka ogaadeen in Al-Bashiir oo 75 jir ah uu xilka ka degayo, ka dib markii Ciidanka Milatariga ay la wareegeen Awoodda dalka ayna ku qasbeen in uu Casilo.
Warbixinada ku saabsan is-casilaadda Al-Bashiir ayaa yimid saacado kadib markii taleefishinka dowladda uu sheegay in ciidamada ay maanta ku dhowaaqi doonaan “war muhiim ah” base aan bixin faah-faahin.
Kumanaan ka mid ah dadka magaalada Khartoum ayaa kusoo qul-qulay waddooyinka ayaga oo u dhaqaaqay xarunta ciidamada milatariga, halkaasi oo dibad-baxayaasha ay hor degenaayeen tan iyo sabtidii.