
Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan cumar Cismaan Yariisow ayaa waxa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ammaanka ka wadaan Magalada muqdisho guulo laga gaarey.
Waxa uu sheegay in markii uu ku dhawaaqay howlgalkaas oo laga joogo mudo 40 Cisho ah ay sababtay in amniga Caasimadda Soomaaliya wax badan laga qabto, isla markaana falal amnidarro ay geysan lahaayeen Al-Shabaab laga hortagay.
Tan iyo markii Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir 30-kii Bishii Maarso ee Sanadkan uu ku dhawaaqay howlgal culus ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay howlgallo joogto ah ka sameynayeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.
Dadaalka lagu sugaayo amniga ee uu maamulka gobolka banaadir ka wado qar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir ayaan waxaa muuqata in dad badan lagu soo qabqabtey basle eysan weli yaraan amni darada ka jirta gobolka.