
Kulanka Wada-tashi ee dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-gobolleedyada ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Shirka ayaa inta badan shalay diirrada lagu saaray xog-wareysi la xiriira xaaladda dalka iyo sida ay tahay in looga talaabo, sida laga soo xigtay ilo ku dhow shirka.
Hoggaamiyeyaasha ayaa si qoto dheer uga hadlaya, xallinta khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul-gobolleedyada, arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, doorashooyinka dalka, dhammaystirka dastuurka iyo qaybsiga khayraadka.
Shirkan oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa la dhowraya sida ay hoggaamiyeyaasha ugu heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya, arrimaha kale ee aad isha loogu hayo ayaa ah nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.