
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku lahaa xarunta golaha shacabka, balse kulanka wuxuu u baaqday kooram la’aan, sida guddoonka laga soo xigtay.
Kulanka oo ahaa midkii 11-aad ee kalfadhiga shannaad ee golaha shacabka , ayaa waxaa soo xaadiray 132 mudane halka kooramka laga rabay 139 mudane.
Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa amray in la yeeriyo magacyadda xildhibaannada maqan si loola xisaabtamo, maaddama kooramku uu u baaqday la’aantood isla markaasna ay hawl muhiim ahi u istaagtay.
Ma aha markii u horreysay oo maqnaashaha xildhibaannada uu kulanka Baarlamaanka u baaqdo, waxaana mar walba ka soo baxa guddoonka digniino u muuqda inaysan kululeyn xildhibaannada.