Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Senatar Muse Suudi oo ku Kulmay Magalada Neyroobi

0
107

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan gaar ah magaaladaasi ay ku yeesheen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Kulankani ayaa ahaa kulan ay labada masuul kaga hadlayeen xaaladaha guud ah ee dalka ayaa labada dhinac waxay isku soo hadal qaadeen xaaladaha dhanka amaanka iyo kulamadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garowe.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku amaanay madaxweynaha Galmudug doorka iyo garab istaagiisa ku aadan raadinta maqaamka Muqdisho, waxaana uu sheegay in Xaaf uu doorweyn ku leeyahay arintaasi.

Inta lagu guda jiray kulankooda ayaa waxaa ay isku raaceen in la adkeeyo arrinta ku aadan maqaamka Caasimadda oo weli dowladda Soomaaliya aysan go’aan rasmi ah ka gaarin, isla markaana tira ka dhowr jeer khilaaf xoogan dhalisay iyo in laga shaqeeyo midnimada umada somaliyeed.