
Wararka aynu ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda oo ay wehlinayaan Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanada Maykaareebey iyo Iimey oo Qiyaastii 20 Km dhinaca Waqooyi kaga beegan Degmada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo, waxana la sheegay in dagaalka labada dhinaca uu khasaaro kasoo gaaray.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii deegaanadaas ay weerar ku qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka war helay weerar kaga soo wajahay dhinaca Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa warar ay dhankooda ku qoreen Baraha internet-ka waxa ay ku sheegeen in dagaalka ay la galeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku dileen Saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowlada oo ku aadan dagaalkaas.