
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay waxyaabaha dhaliyay inuu fashilmo shirkii Garoowe iyo arrimaha ay isku diiddanyihiin dowlad-gobolleedyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa meesha ka saaray inuu shirka uu fashilmay, maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wadda fariisteen madaxda dowladda iyo kuwa maamul-gobolleedyada oo aan yeelan muddo ku dhow sannad shirkii golaha amniga Qaranka.
Madaxweynaha ayuaa dhanka kale ku eedeyay in maamul-gobolleedyada ay doonayeen sameynta Madal aan sharci aheyn, isagoo xusay in horay loo soo arkay Madal wixii khasaare iyo faa’ido ay laheyd la ogaa, sidoo kale waxaa uu xusay in dowlad-gobolleedyada ay doonayeen in gacanta loo geliyo sharciga doorashooyinka oo iminka hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana uu marayo waddada sharciga.
Farmaajo, ayaa tilmaamay inay doonayaan inay sameeyaan dhaqan ka duwan dhaqankii hore loo yaqaanay oo ah in shacabka ay dib ugu celiyeen awoodda oo ay ayaga wax soo doortaan, halkii dad tiro yar ay wax soo xuli jireen, lana cambaareyn jiray, isagoo meesha ka saaray arrinta muddo kororsiga, waxaa uu xusay in aan hal maalin cidna wax loogu dareyn, isla markaana dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada aanay mid wax ku darsaneyn oo ay tahay arrin aan wanaagsaneyn muddo kororsiga, dalkana ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda dhacda.