
Shirkadda diyaaradaha ee dalka Uganda ayaa markii u horreysay shaacisay inay dhowaan billaabayso duullimaad toos ah oo ay ku tagayso magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Duulimaadka Uganda Airlines ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka ku yaalla bariga Afrika, Nairobi, Mombasa, Muqdisho, Jubba, Bujumbura, Dar-es-Salaam iyo Zanzibar oo ay dhawaan shirkaddu duulimaad ka billaabayso, sida laga soo xigtay bayaan ay mas’uuliyiinta shirkadda Uganda Airlines soo dhigeen baraha bulshada.
Uganda Airlines ayaa dhowaan dib u habeyn lagu sameeyay, taasoo ay hadda ku dooneyso inay mar kale dib usoo ceshato doorkeedii duulimaad ee waddamada gobolka.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa muddooyinkii dambe ku loolamayay duullimaadyada ay tagayaan Muqdisho. Horay waxaa duulimaadyada noocan ah u billaabay shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Itoobiya iyo Kenya.