
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo laga fulinayo deegaano iyo degmooyin ka tirsan labada Gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha hoose oo ay ka muulaan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in howlgalkaan kaliya ay fulin doonaan Ciidamada dowladda Soomaaliya kaliya,si ay Shabaab uga saaraan labadaasi Gobol,isla markaana ay hoggaamin doonaan Wasiirada, Amniga, Gaashaandhigga iyo Cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.