
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa sidoo kalena ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay.
Heshiiska Kheyraadka ayaa waxaa ka taagan Muran badan, waxaana kasoo horjeedda qaar ka mid ah maamul goboleedyadda.
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa horay Heshiiskaan uga dooday, waxaana ugu dambeyntii maanta ay ku guuleysteen in la ansixiyo.
Ansaxinta heshiikii kheyraatka baydhaba waa lagu degdegay sababo badan oo jira awgeet:1=dalka kama jirto midnimo siyaasadeed oo leh muxaafad iyo mucaarat.2=dhaqaale mideysan majiro 3=ciidan mideysan majiro 4=lacag mideysan majiro 5=dhulka caalamka u ictiraafey qaranka somaliya mamideysna 6=canshuur mideysan oo ay bixiyaan shacbiga somaliya,hadii uu hirgelo qorshaha qodista shidaalka wejiga 3aad ee banaadir oo maanta koofur galbeed iyo shacbigeeda dhibaato weyn ayaa ku habsandoonto ansaxintaan durba waxay keeni doontaa in dalka dagaal hor leh ka qarxo.
Comments are closed.