
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah Dable Boliis Cali Maxamuud Axmed oo Sideedii Bishan kuu diley magalada muqdisho Cabdirisaaq Yuusuf Guure Isgoyska Tarabuunka oo ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysata moto Bajaajka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka sidda Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xirey dacmawaasi dhegeysigeeda ayaa ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan Xukunka lagu riday Askariga.
Dacwaddan ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.
Askarta Ciidanka dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay toogasho ku dilay dhowr dhalinyaro oo ku shaqeysta Maato Bajaajle, waxaana taasi ay sababtay in magalada muqdisho noqoto halka ay askarta ciidanka dowlada ku dilaan dhalinyarada shaqeysata.