
Wararka aynu ka heleyno gobolka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowalada qarax miino ah lagula beegsaday degaano ka tirsan Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay degmada Bardaale sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka, kaasoo lala beegsaday gaari cabdi bile ah oo ay la socdeen ciidamadas.
Qaraxani ayaa la sheegayaa in uu ku dhintey hal askari halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 3 askari oo dhamaantood la wada socday gaariga qaraxa lala eegtey kuwaasi oo loo qaaday cisbitaalka degmada Baydhaba.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan ku safra wadooyinka deegaanadaasi taaso inta badan ay kala kulmaan arbushaad ama ha noqoto qarax lala beegsado ama is rasaseyn kaga timaada dhinaca alshabab.