
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolkaas.
ciidamada alshabab ayaa la sheegay in ay dagaal kusoo qaadeey saldhig ay cidamada dowlada ku lahaayeen degmada qoryooleey iyo deegaanka sabiid oo labadaba ka tirsan gobolka shabelaha hoose.
Dagaalkan ayaa la sheegayaa in la isku adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan isaga oo socdey mudo saacado ah kaasoo geystey qasaare labada dhinac ah balse weli lama oga xaqiiqda dhabta ah ee qasaaraha halkaasi ka dhacay.
Weerarada alshaba ay kusoo qaadaan fariismiha ay ciidamada dowlada ku leeyihiin gobolka shabelaha hoose ayaa ah kuwo joogto ah oo isbuucii laba mar ama hal mar dhaca taasoo ay weli xukumada ay xakameyn ladahay.