Dhegeyso: Maamulka Puntland oo Wasiir Goodax Ka Codsaday Inuu Raali Gelin Ka Bixiyo Hadal uu Ku Hadlay

0
62

Kadib markii wasiirka Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu shalay sheegay in imtixaankii ay qaaday Puntland uu fashilmay ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu la kulmayay eedeyn kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada maamul goboleedka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Soomaaliya looga baahan yahay in warkaasi uu raali gelin ka bixiyo ama uu cadeyn keeno.

Waxa uu sheegay in hadii uu keeni waayo cadeyn ama uu raali gelin bixin waayo ay dacwad u gudbin doonaan Madaxda ugu sareysa dowladda federaalka,si ay uga qaadaan tallaabada ku haboon Wasiirka.