Wasiirka Wasarada Waxbarashada oo Raali Gelin Buuxda Ka Bixiyey Hadal uu Maalin Dhaweyd Ku Hadley

0
214

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raali gelin buuxda ka bixiyey hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle

Wasiirka oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay hadalkii uu Jowhar ka sheegay oo ahaa inuu Fashilmay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Puntland ee Shalay Furmay.

Wasiirka ayaa ku sababeeyey arrintaas in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse wuxuu sheegay inay habooneyd inuu iska hubiyo.

Raali gelinta Wasiir Goodax Barre ayaa imaaneyso kadib markii Dowladda Puntland ay Wasiirka ka dalbatay inuu raaligelin ka bixiyo hadalkaas ama uu keeno caddeyn.