
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Magalada Hargeysa ayaa jawaab ka bixiyay hadal shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) aya shalay sheegtay in Soomaaliland ay qeyb ka tahay doorashada la filayo in sandka 2021 ka dhacaan Soomaaliya, xilli dad matala Soomaaliland ay ka mid yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inay nasiib darro tahay, isla markaana aan loo meel dayin hadalkii shalay kasoo yeeray Guddoomiyaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey).