War deg deg ah: xidhibano iyo Wasiiro Ka Tirsan Dowlada federaalka oo ku xaniban Airporka Nairobi.

    0
    110

    Wararka inaga soo gaaraya magalada Neirobi ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha magalaada Neiroobi Jomk Kenyatta ay ku xayirnaayeen in ka badan 3 saacadood kadib kolkii loo diiday in pasporka diplomasiga visa loogu dhufto taasoo sababtey in markii dambe mid walba uu lasoo boxo basaboorka wadamo kale oo ay heysteen

    Wasiirka Qorsheynta Jamaal waxaa uu lasoo baxay basaborka kanadeeska, La-taliyaha amniga Madaxweynaha Abdi Said wuxuu lasoo baxay basaporka Netherlands, Halka ay wasiirada caafiimaadka Fawsiya Abukar ay lasoo baxday basborka talyaaniga.

    Waxaa weli lagu heystaa gudaha airporka magalada Neyrobi Sanater Ilyaas cali, Sanater Zamzam Daahir, wasiir ku xigeenka tamarta Cismaan Libaax iyo weliba senetaro kale oo waayey wax ay lasoo baxaan wexeyna sugayaan in maalinta berito dib loogu soo celiyo magalada muqdisho.

    Falkan ay ku kacdey dowlada kenya ayaan eheyn mid ku cusub indhaha bulshada somalilyeed waa tii maalin dhaweyd ay go,aan kasoo saareen diyaaradaha sida tooska ah u tegi jirey magalada neyroobi dhowr mar oo horana waxaa ay sidan oo kale airporka magalada neyroobi ugu xanibeen masuuliyin ka tirsan dowlada federalka