
Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya gudaha u galleen, islamarkaana baaritaanno ku wadaan Xawaaladdaha Soomaalida ee xaafadda Islii Magaalada Nairobi.
Warka arintan ku saabsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Xoghayaha guddiga ganacsatada Soomaalida Islii, Cumar Axmed Nuux oo sheegay in ciidamadu gudaha u galleen dhowr Xawaaladood iyaga oo sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan.
Talaabadan ayaa imanaysa, iyadoo dowladda Kenya ay shalay u diiday inay dalkeeda galaan wasiir ku-xigeenka batroolka Cismaan Libaax iyo Senator Ilyas Xasan, iyo Zamzam Daahir oo ka tirsan aqalka Sare, kuwaasi oo maanta dib ugu noqday magaalda Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya wali kama aysan jawaabin dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee dowladda Kenya kula kacday mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo warkan ku saabsan baaritaanka shirkaddaha Xawaalladdaha.