Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada oo Afur u Sameeyey Safiirada Wadamada Islaamka

0
56

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa maalintii shalay ee waxa uu xaflad af-fursiin ah u sameeyay Safiirrada Waddamada Islaamka, kuwa saaxiibada ah iyo Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Wasiir Cawad waxa uu caddeeyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay go’aan ku gaareen in ay xoojiyaan xiriirka laba geesoodka, saaxiibtinimada iyo isku xidhnaanta bulsho ee Soomaaliya la wadaagto waddamadaasi.

Danjire Cawad, waxa uu u sheegay safiirrada in martiqaadka cashada af-furka ah ay tahay fursad wanaagsan oo dib loogu xaqiijin karo ka go’naanta milgaha caalamiga ah ee ku suntan xushmad is dhaafsiga, midnimada, is cafiska.

Waxa uu intaasi ku daray in xafladda af-fursiinta ah ee Wasaaraddu u qabato Munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan ay tahay dhaqan sannadeed lagu muujiyo tixgelinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo aqoonsigeeda ahmiyadda bishan fadliga u leh muslimiinta oo ay harayso naxariista iyo kalgacaylka.