
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.
Xukunka dilka ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu rido Askari dila darawal mooto bajaajle ah, tan iyo markii ay soo korortay dilalka loo geysto darawalada mooto bajaajta ah
Askariga la xukumay ayaa dilay Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mooto Bajaajta, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.
Talaabadan ay qaaday maxkamada ciidamada qalabka sida ay noqoneysa tii ugu horeysay ee xukun noocan oo kale ah lagu rido Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj.