
Kulan xasaasi ah oo looga hadlayey arimaha amniga ayaa xaly ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, Kulankaasi oo qaatay saacado badan ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cadbiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).
Sidoo kale kulankani ayaa waxaa kasaa qeyb galay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), Taliyaha Booliska Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), Taliyaha ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Guddoomiye ku xigeenka amniga & siyaasada gobolkan Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo mas’uuliyiin kale.
Intii socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta howlgallada ka socda magaalada Muqdisho iyo sidii loo heli lahaa isla xisaabta buuxa oo ka dhexeeya hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn xubnahani ayaa isla gaaray go’aanno adag oo la xariira sugida amniga, sida in la kordhiyo howlgallada iyo baaritaanada hadda socda iyo in la xoojiyo wada shaqeynta ay leeyihiin shacabka iyo ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.