
Degaan qiyaastii 30 KM u jira degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka oo ah mid aad u qaraar ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay oo wali isku hor-fadhiya aagga dagaalka.
Warbaahinta ayaa ogaatay in dagaalka ay ka qayb qaadanayaan Ciidamo katirsan Maleeshiyaadkii Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku sugan degaan u dhaw halka lagu dagaalamayo.
Ciidamada Abuu Mansuur ayaa dagaalka galay galabtii Sabtida ee todobaadkan markii ay Ciidamada dowladda culees kala kulmeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in la jebiyay Al-shabaab markii ay dagaalka soo galeen Ciidamada Abuu-mansuur.
Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool Maxamed Macalim ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada Abuu-mansuur ay dagaalka qayb ka yihiin islamarkaana ay ku yimaadeyn dalab ay sameeyeen Saraakiisha Ciidanka dowladda ee dagaalkaasi hogaamineysay.