
Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab ay goob fagaaro toogasho ku fuliyeen Shan Rag ah oo ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo quwadaha kale ee taageerada militari siiya.
Goobta toogashadan ay ka dhacday waxaa ay Al-shabaab isugu keeneen boqolaal dadweynaha deegaanka ah oo daawanayay sida ay toogashadu u dhaceyso, waxaana dadkii isku soo baxay halkaa kula hadlay xubno ka tirsan Ururka.
Ragga toogashada lagu fuliyay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :
1: Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle), iyaga oo ku eedeeyay in uu la Shaqeynayay Ciidamada Bangaraafta oo ka mid ah Ciidamada xooga dalka ee uu tababaray Mareykanka.
2: Cabdi kariim Muuumin Axmed oo lagu eedeeyay in uu u Shaqeynayay Hay’adaha sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa loo yaqaano PS.
3: Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Dowladda Kenya oo Ciidamo ku howlgalla magaca AMISOM ee xilligaan ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.
4: Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.
5: Axmed Cabdullaahi Warsame oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Hay’daha Sirdoonka Mareykanka gaar ahaan CIA-da.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogtaan shaqsiyaad ay ku eedeynayaan in ay si dadban ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka dowladda federaalka iyo quwadaha shisheeye ee gacanta siinaya sida AMISOM iyo Mareykanka.