
Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Midowga Afrika iyo IGAD magaalada Dhuusamareeb.
Xubnahan ayaa markiiba la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayr oo muddo ku dhow labo toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud.
Kullanka faahfaahin badan lagama bixin wali, balse waxaa la sheegay in arrimaha looga hadlay ay ugu horreeyaan xaaladda Galmudug iyo doorashada deegaannada la qorsheynayo inay ka dhacdo.