Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Sheegay In Masuuliyiin Loosoo Xir xirey Wax Isdabamarin

0
73

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay faah faahin ka bixiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha oo dhawaan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen.

Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan wax isdaba marin kajirtay kastamka Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde,isla markaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Saraakiisha kastamka.