Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose oo Sheegay In Alshabab Lagala Wareegay Gacan Ku Heynta Degmada Awdheegle

0
72

Ciidamada Milatariga dowladda Soomaaliya ayaa maanta gudaha u galay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Ibraahim Aadan Cali ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay gacanta ku dhigeen magaalada ayna halkaasi ka saareen dagaallamayaasha ururka Al-Shabaab.

Wuxuu inta ku daray guud ahaan xaaladda degmada inay wanagsantahay, ciidammada ku sugana ay wadaan howlgallo.

Ciidammada dawladda ayaa horey usoo qabsaday magaalooyinka Bariire, Sabiid iyo Caanoole oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.