Kooxo Hubeysan oo Duleedka Magalada Baydhabo Ku Dilay Ganacsade Cali Marguus

0
52

Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in koox hubeysan ay ku dileen dulleedka magaalada Baydhabo Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade iyo siyaasi siweyn looga garanayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in koox hubeysan rasaas u fureen saddex ruux oo uu ka mid ahaa ganacsadaha , lamana oga ilaa iyo hadda sababta dilka dadkan ka dabeysay.

Cali Aadan Marguus ayaa ka mid ahaa ganacsatadda Beeraleyda ah ee Baydhabo, waxaana uu sidoo kale horay uu soo noqday Siyaasi siweyn looga garanayay deegaannada Koonfur Galbeed iyo waxaana uu sidoo kale ahaa Aqoonyahan Soomaaliyeed.