Xukuumada oo Ka Hadashay Shaqaaqadii Maanta Ka Dhacay Magalada Baydhaba

0
42

Dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beello maanta ku dagaallamay duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana dowlada sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigi doonaan Cidii ka dambeysay dad maanta lagu dilay Duleedka Baydhabo.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto sidii loo xakameyn lahaa Shaqaaqadii maanta ka dhacday Baydhabo ee lagu dilay Ganacsade Cali Aadan Marguus iyo dad kale oo Shacab ah.