War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaarraddu marnaba aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Jubbaland, haddii aan la raacin qoddobo ay Wasaarraddu ka dalbatay maamulka Jubbaland in lagu saleeyo doorashada.
Wasaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maamulka Jubbaland hor dhigtay Saddex qodob oo kala ah in Odayaasha soo xulaya xildhibaanada la waafajiyo Diwaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.