Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo Sheegtey Iney La Xisaabtami Doonto Shirkado Dayacay Xujeydii ay Masuulka Ka Ahaayeen

0
45

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka war-hayaan qaar ka mid ah sharkaddihii loogu tala-galay in ay dabaabulaan xujeyda Soomaaliyeed si qaldan adeegyadii lagama maar—maanka u ahaa qofka xaajiga ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in guddi ay dowladdu u saartay la socodka xaalada xujeyda ogaadeen in jiraan shirkaddo dayac weyn u geystay xujeyda Soomaaliyeed.

Tirada shirkaddahan ayuu sheegay in ay gaarayaan ilaa afar shirkaddood, islamarkaana dowladdu ku qaadi doonto tallaabada ku haboon.

La xisaabtanka shirkadaha xujeyda wadidooda ka shaqeeye aya kii noqonaya kii ugu horeeyey oo ay xuuumada la yeelato dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale cabasho uga timid xujeyda