Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka aya maanta Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ee taageera doorashooyinka Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid xog is dhaafsi ah ayaa intuu socday waxaa heerka diyaar garowga Guddiga ka war bixisay guddoomiye marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Xaliimo Yareey)
Xaliimo Yareey ayaa si qota dheer ka qeyb galayaasha ugu faah-faahisay halka ay Guddiga wax u marayaan, hawlaha muhiimka ah ee qabsoomay, kuwa gaabiska ku jira iyo kuwa hakadka ku jira intaba.
Dhankooda hay’adahan caalamiga ee daneeya doorashooyinka Soomaaliya ee shirka joogay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin wax qabadka Guddiga iyada oo ay ku hor gudban yihiin caqabo siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa farsamo.