Xukuumada Koonfur Africa oo Bilaawday Iney Ururiyaan Dadka Ajaabniibta ah ee aan Sharciga Heysan

0
52

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa howlgal ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay Bartamaha magalada Johannesburg waxaa ay ku qab qabteen dad la sheegay in si Sharci darro ah ku joogeen dalkaas.

Dadka la xiray oo ah Ajaanib ayaa ilaa iyo hadda la sheegay inay gaarayaan 29 ruux, kuwaas oo ay boolisku sheegeen inaysan heysan warqada u ogolaaneysa inay dalkaasi ku noolaadaan.

Sarkaal u hadlay ciidanka booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadka la xiray ee Sharci la’aanta ah qof waliba dalkii uu ka yimid dib loogu celin doono, sidoo kalena ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhan ah dadka Sharci darrada ku jooga dalka Koonfur Afrika.

Dalka koonfur africa ayaa ah dal si aad ah loogu dhibaateeyo dadka ajaaniibta ah ee halkaasi ku nool, Somali badan oo halkaasi gacsi ku laheyd aoo halkaasi si arxandaro ah loogu diley xoolahoodana lagu dhacay ayadoo aysan jirin wax ay xukuumada dalkaasi ay ka qabatey tacdiyaadka loo gaysto ajaaniiba.