Duhurnimadii maanta ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafaddaha ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku soo dhacay madaafiic dhowr.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ilaa saddex madfac ay ku dhaceen hareeraha Madaxtooyada, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.
Madfac kale ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madfac kale uu ku dhacay Xaafada Caga Dhiig, madaafiicdan ayaa soo dhacay abaarihii xilligii salaaddii duhur, iyadoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.