Ciidamada Dowlada iyo Alshabab oo Ku Dagaalamay Duleedka Magalada Jowhar

0
52

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan ciidamada dowlada federalka iyo Al-Shabaab uu ku dhaxmaray deegaan dulleedka Koonfur Barri uga beegan magaalada.

Deegaanka lagu dagaalamay oo lagu magacaabo Deyma-Same ayeey wararku sheegayaanin iska horimaad oo socday muddo saacad ah uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah balse illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Alshabaab ay diideen in la xiro wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaanka Deymo-Same.

Wararka qaar ayaa sheegaya in si ulakac ah ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay u fatahiyeen wabiga Shabelle gaar ahaan buqda Deyma-Same.