Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Farmaajo iyo Kheyre ku Eedeeyey Keligood Taliyaal

0
63

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xilligaan xaaalada dalka ay qabaan walaac farabadan,sidaas daraadeedna caleema saar kaliya aysan u tegin Magaalada kismaayo.

Waxaa uu sheegay inay yeelanayaan wadatashiyo kala duwan,kadib walwal badan ay ka qabaan sida ay wax u socdaan, hayeeshee ay hadda ku baraarugeen,isla markaana aysan aqbaleyn in sharciga laga tago.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku wada joogaan sharci iyo dastuur ayna wanagsan tahay in lagu wada dhaqmo, isla markaana aysan dooneyn in dowladnimada ay u dunto in sharciga lagu dhaqmi waayo.

Ugu dambeyn Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday Sheekh Shariif, waxaana uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan xilka ku heysan laakin ay doonayaan inay dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah o aysan noqon mid dad gar ah ay sameystaan.